Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay dalab rasmi ah oo seddex sanno ah Miiska u saartay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga 29 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan Juventus ayaan la rumaysanyahay in ay hogaaminayso saxiixa xiddiga.
Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay xiddiga reer France ku soo celiso Si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.
Haatan Goal, ayaa sheegaysa in ay kooxda Juventus xiddiga Pogba miiska u saartay dalab 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2025.
Xiddiga khadka dhexe ayaa sanadkii mushahar ahaan kooxda uga qaadan doona lacag dhan 7.5 milyan euro hadii uu ku biiro kooxda.
Pogba ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo PSG kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga 4 sano ku qaatay Juventus.
Xigasho: Kooxda