Sheekada qeybta 1-aad : Liverpool iyo Chelsea ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Chelsea laba fusrad xaqiiq ah qasaariyeen ‘
Liverpool iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse daafac Chelsea ayaa foojognaa
Kooxda Tuchel waxa ay ku fiicnaayeen kubadaha rogaal celiska iyo daafaca isla socda , Liverpool sahal ayay u aheyd in kubadda soo gaarsiiyaan afka hore ee Chelsea balse dhameystirka ayaa ka maqnaa inkastoo mar goolhaye Mendy uu u diiday .
Daqiiqadii 33-aad waxaa Liverpool dhaawac loga saaray Salah oo jug ay gaartay waxaana lagu soo badalay Jota .
Sheekada qeybta labaad : Daqiiqadii 46-aad Chelsea gool ayaa laga bad baadiyay , waliba waa ay sigayeen Liverpool halka kooxda Klopp ay ay raadinayeen jawi ciyaarta kula qabsadaan .
Biloowgaas , Chelsea kubadda waa ku badnaayeen waa ayna u dhawaanayeen gool balse go`aan qaadasho deg deg ah ayaa dilayay
Ka dib biloowgaas , Liverpool jawiga ciyaarta waa ku soo laabteen balse halis gilin muuqata ma aysan sameyneyn , waxa uuna Tuchel badel ku soo giliyay N’Golo Kante oo daqiiqadii 66-aad loo saaray Mateo Kovacic
Daqiiqadii 82-aad , Liverpool gool ayay ku sigteen balse birta ayaa u diiday waxaana lahaa Diaz halka Robertson isna ay birta uga dhacday daqiiqadii 83-
Chelsea dhamaadkii cadaadis ayaa saranaa waa ayna u nuglaayeen goolal xili halista ugu badan ay ka imaaneysay dhanka Diaz , wax aayna ciyaarta ku dhamaatay bilaa goolal waxaana kagu daray waqti dheer .
Qeybta 1-aad ee waqtiga dheeriga : fursad badan ma jirrin labada kooxna waa ay kala baqayeen waxaana lagu nastay bilaa goolal , waxaana badelka Van Dijk lagu sheegay in uu dhaawacmay isna .
Qeybta 2-aad ee waqtiga dheeriga : ma jirrin wax muuqda labada koox daal jireed ayaa ka muuqday waxa ayna ku dhamaatay bilaa goolal waxaana la aaday rigoore tuurasho .
Ugu dambeyn waxaa rigooro tuurasho ku badisay oo Liverpool ruxday FA Cup-k a
Xigasho: Kooxda