Liverpool iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fikiryaan in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Eddie Nketiah.
Xiddiga 22 jirka ah oo uu heshiiskiisa Arsenal dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan ayay Arsenal miiska u saartay heshiis uu ku sii joogi doono kooxda laakiin waxa uu ka fiirsanayaa dookhyadiisa.
Xiddiga ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 9 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay 90 Min, Qaab ciyaareedka Eddie Nketiah ee kulamadii ugu dambeeyay ayaa heegan galiyay kooxaha Arsenal iyo chelsea kuwaas oo ka fikiraya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga.
Xiddiga Eddie Nketiah ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu helo koox uu si joogto ah ugu ciyaaro iyo waliba koox ka ciyaari doonta champions League.
Xigasho: Kooxda