Virgil van Dijk iyo Roberto Firmino ayaa ka farxiyay Liverpool kadib markii ay ku soo laabteen tababarka kadib muddo ay ka maqnaayeen garoomada sabab la xidhiidha dhaawac.
Labada xiddig ayaa lagu arkay tababarka Reds maanta oo khamiis ah xilli ay ka soo kabsadeen dhaawac ay muddo kaga maqnaayeen muddo dheer.
Van Dijk ayaan ciyaarin tan ilaa kulankii Brentford ee bishii hore halka uu xiddiga Frimino dhaawac ku seegay tan ilaa fasaxii koobka adduunka.
Reds ayaa Sabtida la ciyaari doonta Wolves laakiin kulankaas ayaa ah mid ayna labada xiddig ciyaari doonin laakiin soo laabashadooda ayaa ah mid u farxad ah Liverpool.
Xiddigaha Liverpool ayaa isku diyaarinayay kulanka Wolves mana jiro dhaawac cusub oo ka maqnaa garoonka marka la reebo xiddigaha horay loo xaqiijiyay.
Xigasho: Kooxda