Manchester United ayaan racfaan ka qaadan doonin casaankii la siiyay Casemiro intii lagu jiray kulankii ay barbaraha la galeen Southampton Axdii.
Xiddiga reer Brazil ayaa markii hore kaarka Digniinta loo taagay kadib markii uu khalad ku galay xiddiga Carlos Alcaraz laakiin VAR ayaa soo dhex gashay kadib xiddiga ayaa ciyaarta laga saaray.
Kadib markii horay kaadhka cas looga saaray kulankii Crystal Palace, Casemiro ayaa haatan wajahaya in uu ganaax ku maqnaado 4 kulan kuna jiro kulanka Fulham ee Qaurter-final-ka FA Cup-ka ee ay la ciyaari doonaan Fulham iyo kulamada premier League ee Newcastle United, Brentford & Everton.
Rafcaan ka qaadashada go’aanka waxay u horseedi lahayd khatarta ah in ganaaxa lagu kordhiyo xiddiga hadii FA-gu u arko in khaladka xiddigu galay ahaa mid halis galinaya xiddigii lagu galay.
Sidaas darteed Man United ayaa go’aansatay in ayna Racfaan ka qaadan ganaaxa dusha laga saaray xiddiga reer Brazil taas oo la macno ah in uu maqnaan doono 4 kulan.
Related
Xigasho: Kooxda