Martin Odegaard ayaa aaminsan in Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko ay fure u noqon doonaan baacsiga Arsenal ee Premier League.
“Gabriel wax fiican ayuu ku soo kordhiyay kooxda”ayuu Odegaard yidhi.
“Wax walba ayuu soo bandhigaa tababarka maalin kasta, waxa uu tababar u qaataa sida xiddigaha kale maalin kasta, waxa uu kooxda u soo bandhigaa wax walba oo uu awoodo sidaas darteed way fiicantahay in uu nala joogo”.
“Dabcan, waxa uu joogay Manchester City, waxaana uu ku guuleystay waxyaabo badan markii uu joogay halkaas khibradiisuna way na caawinaysa”.
“Xiddigihii ee Man City waxa ay kooxda keenaan fikirad kale, khibrada ay haystaan”.
“Mar walba way dagan yihiin xiliga cadaadiska kooxdana way caawinayaan”.
Related
Xigasho: Kooxda