Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa kala iibsigu hadana arintaas ayaan kooxaha ka hor istaagayn in ay qorshayso saxiixyada ay u dhaqaaqi doonto suuqa xagaaga.
Kooxaha kala duwan ayaa haatan lala xidhiidhinayaa xiddigaha ay u dhaqaaqi karto marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
Hadaba waxa aan halkan ku so bandhigi doonaa si maalin leh wararkii ugu dambeeyay ee kooxaha iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo ka hor suuqa Xagaaga.
Neymar ayaa ku adkeysanaya inuu mustaqbalkiisa ku dhameysan doono Paris Saint-Germain xilli heshiiskiisa kooxda ee haatan dhici doona xagaaga 2027 (The Athletic).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fulham Joao Palhinha ayaa bartilmaameed u noqday kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester United, Newcastle & Tottenham (Sun).
Kooxda Liverpool ayaa la sheegayaa in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Palhinha (Daily Mail).
Wakiil ka tirsan Real Madrid ayaa dhawaan la kulmay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Jude Bellingham iyo qoyskiisa si ay uga hadlaan suurtagalnimada uu ugu biiri karo Los Blancos xagaaga (AS).
Kooxda Tottenham ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Harry Kane kaas oo galaya 12-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa (The Athletic).
Kooxaha chelsea iyo Newcastle ayaa doonaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona ee Raphinha (Sport).
Manchester United iyo Newcastle ayaa indha-indheeyayaal u diray xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSV ee Xavi Simons (Ekrem Konur).
PSG ayaa diyaar u ah inay keento Zinedine Zidane si uu u bedelo tababare Christophe Galtier, tababarihii hore ee Real Madrid ayaa doonaya inuu Paul Pogba ka dhigo saxiixiisa ugu horeeya (Tuttomercatoweb).
Weeraryahanka kooxda Athletico Paranaense Vitor Roque ayaa iska diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa Arsenal maadaama uu qalbigiisa ka go’an yahay inuu u wareego Barcelona. (Sports).
Manchester City ayaa xiiso dhab ah u haysa saxiixa daafaca bidix ee kooxda Chelsea Ben Chilwell ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan (The Athletic).
Milkiilaha kooxd chelsea ee Todd Boehly ayaa doonaya in uu kooxdiisa xagaaga keeno Xiddiga kooxda PSG ee Neymar (Football London).
Xiddiga Romelu Lukaku ayaan doonayn in uu ku laabto Chelsea waxana uu doonayaa in uu sii joogo Inter (Mail).
Kooxda PSG ayaa chelsea iyo Man United kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahan Napoli ee Victor Osimhen (Nicolo Schira).
Kooxda PSG ayaa joojisay wadahadaladii heshiis kordhinta ee ay kula jirtay xiddigaha Messi iyo Ramos (Mirror).
PSG ayaa doonaysa in ay baanka u jabiso xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland (Sport).
Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Kylian Mbappe marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda PSG (AS).
Xiddiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa ku dhaw in uu qaab xor ah ugu biiro kooxda Atletico Madrid (Mundo Deportivo).
Related
Xigasho: Kooxda