Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay inuusan aqbali doonin inuu qandaraaska u kordhiyo Sky Blue ilaa uu ka dhacayo xilli ciyaareedka soo socda.
Guardiola, oo Manchester City maamulayay tan iyo 2016, ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda heysata horyaalka Ingariiska wuxuu dhacayaa sanadka soo socda, June 30, 2023.
Guardiola ayaa hadal uu siinayay Sky Sports News ku yidhi “Haddii aan qandaraaska u kordhiyo, waxa uu noqon doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, intaas ka horna taasi ma dhici doonto”.
“Waxaan halkaan joogay sanado badan, waana inaan arko sida kooxda iyo nafteena ay u wada socdaan,” ayuu hadalkiisa kusii daray tababaraha reer Spain.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan sii joogo 10 sano oo kale, laakiin waa inaan qaadanaa waqti, ma jiro waqti xilli ciyaareedkan ama xilli ciyaareedka soo socda”.
Guardiola oo Manchester City la joogay lix sano gudahood, wuxuu kula guuleystay Premier League saddex jeer, FA Cup hal jeer, iyo Carabao Cup 4 jeer, sidoo kale wuxuu kula guuleystay Community Shield labo jeer wuxuuna u soo baxay finalka Champions League waxaase ka qaatay Chelsea
Xigasho: Kooxda