Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay si xor ah kula soo wareegto weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe xagaaga 2024.
24-sano jirkaan ayaa si weyn loo filayay inuu si xor ah ugu dhaqaaqo Bernabeu xagaagii hore, laakiin ugu dambeyntii wuxuu u saxiixay qandaraas cusub oo seddex sanno ah PSG.
Mbappe ayaa mar kale qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigay kooxda PSG isaga oo dhaliyay 31 gool sidoo kale caawiye ka noqday 8 kale 32 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Dhanka kale, weeraryahanka ayaa u saftay France koobkii adduunka ee 2022, isagoo dhaliyay sideed gool xulkiisana la gaadhay final-ka tartanka.
Mbappe ayaa PSG kula jira heshiis dhacaya xagaaga 2025, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu qaab xorta ah kaga tagi karo dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.
Sida laga soo xigtay AS, Real Madrid ayaa markale soo bandhigaysa xiisaha ay u qabto xiddiga reer France, xilli kooxda heysata horyaalka Spain iyo Yurub ay raadineyso bedelka mustaqbalka fog ee Karim Benzema.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda Carlo Ancelotti aysan u dhaqaaqi doonin xagaagan, sababtoo ah qiimaha heshiiska, iyadoo PSG dalbanayso lacag aad u badan.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa doonaysa in ay xiddiga qaab xor ah kula wareegto marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda PSG
Related
Xigasho: Kooxda