Kooxda RB Leipzig Ayaa u muuqata kuwo diyaar u ah in ay iska iibiyaan daafaca aadka loo qiimeeyo ee Joško Gvardiol marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga Joško Gvardiol ayaa xiiso ka helaya kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan daafacooda xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga reer Croatia ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee qaarada yurub xilli ciyaareedkan.
Koxda RB Leipzig ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga si ay uga faa’iidaysato lacagta aadka u badan ee ay ku iibinayso xiddiga.
Kooxda reer Germany ayaa kooxaha waaweyn u sheegtay in ay bixiyaan lacag dhan 130 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Joško Gvardiol.
Kooxaha Liverpool, Man City, chelsea iyo PSG ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Related
Xigasho: Kooxda