Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga Jude Bellingham ayaa ka mid ah xiddigaha si weyn loo hadal hayn doono suuqa xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.
Kooxaha Man City, Liverpool, Man United iyo Real Madrid ayaa ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham.
Sida laga soo xigtay AS, Real Madrid ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiso khadkeeda dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee dalab ka gudbisa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham iyaga oo doonaya in ay kooxaha kale ku garaacaan saxiixiisa.
Real Madrid ayaa Dortmund miiska u saartay lacag dhan 140 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
Related
Xigasho: Kooxda