Real Madrid ayaa go`aan ku gaartay in si dhab ah u galaan suuqa jiilaalka oo maalmo ka dib xermaya waxa ayna isha ku hayaan xiddig jooga horyaalka Italy
Bogga Fichajes ayaa sheegaya in Real isha ku hayaan dalab rasmi ah oo ay ka geeyaan xiddiga Juventus ee Federico Chiesa kaasi oo xitaa hadii bishaan helin ay doonayaan in ay soo xero giliyaan xagaaga
Hishiiska Federico Chiesa ee Juve ayaa ku siman 2025-ka , haatan asaasi kama ah shaxda kooxda tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawac muddo uu la maqnaa oo uu la galay qalliin
Juve ayaa laacibkaan ku qiimeneysa aduun gaaraya 60 milyan oo euro , waxaana sidoo kale isha ku haya kooxo ay ka mid yihiin Chelsea iyo Tottenham
Xigasho: Kooxda