Manchester City ayaa 4-0 ku xasuuqday Real Madrid semi-finalka Champions League waxayna u soo baxday finalka.
Sida ku cad, Pep Guardiola waxa uu oofiyay balanqaadkiisii ahaa in aanu si ka bad-badis ah uga fikirin Tababaraha reer Spain ayaa kalsooni ka qabay in ay kooxdiisu garaaci doonto Real sida uu u xaqiijiyay Rio Ferdinand.
Ferdinand ayaa u sheegay BT Sport: “Pep Guardiola ayaa fariin ii soo diray maanta isagoo leh: ‘I rumayso, waanu garaaci doonaa iyaga [Real Madrid]”.
Sam Lee, oo ah wariyaha Man City ee The Athletic, ayaa xitaa arkay Guardiola oo farta ku fiiqaya Ferdinand markii ay ciyaartu dhamaatay.
Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay 10 bisha June la ciyaarto kooxda Inter Milan kulan ka dhici doona caasimada Turkey ee Istanbul.
Inkastoo Cityzens aysan waligood ku guuleysan tartankan Inter ayaa 3 jeer ku guulaystay koobka champions League.
Related
Xigasho: Kooxda