Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa xiddigaha Mateo Kovacic iyo Mason Mount, Jude Bellingham, Fabinho iyo Kevin De Bruyne u magacaabay xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican adduunka.
Gerrard ayaa si weyn uga hadlay Kevin De Bruyne. Laacibkii hore ee khadka dhexe ee Liverpool ayaa xiddiga City ku tilmaamay xiddig heer sare ah.
“Shaki la’aan hadii aan doorto xiddiga ugu fiican khadka dhexe waxa aam dooranayaa Kevin De Bruyne kaas oo ah xiddig khabiir ah waxana aan u arkaa xiddig heer sare ah”ayuu Yidhi.
Gerrard oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi””Waan jeclahay Jude Bellingham sidoo kale waxa aan jecelahay xiddigaha Mason Mount, Mateo Kovacic iyo Fabinho”ayuu sii raaciyay.
Xiddigaha Gerrard u doortay xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ayaa dhamaantood muhiim u ah kooxohooda qaab ciyaareed cajiib ahna ku jira xilli ciyaareedkan.
Xigasho: Kooxda