Xiddiga Takumi Minamino ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku bilowday premier League.
Xiddiga reer Japan ayaa gool qurux badan u dhaliyay kooxdiisa qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo ku soo celiyay ciyaarta kana dhigay bar-baro 1/1 ah.
Haatan Takumi Minamino ayaa dhaliyay 11 gool tartamada oo dhan isaga oo kaliya u ciyaaray kooxda 24 kulan kuna bilowday kaliya 9 kulan.
Hadana xiddiga Takumi Minamino oo kayd u ah kooxda Liverpool ayaa ka goolal badan xiddiga 100 milyan ugu fadhiya Man City ee Jack Grealish kaas oo dhaliyay kaliya 6 gool 36 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedka.
Arinta ayaa muujinaysa in ayna muhiim ahayn in lacag badan laga bixiyo xiddigaha laakiin ay muhiim tahay in la qiimeeyo tayadooda ka hor inta aan lacagta badan laga bixin.
Xigasho: Kooxda