Xilli ciyaareedka 2022/2023 ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo kooxo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Sidoo kale Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedka horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.
Xiddiga Man City ee Haaland ayaa wacdaro dhigaya isaga oo hogaaminaya tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta qaarada yurub.
Haaland ayaa ilaa haatan dhaliyay Prmeier League 28 gool waxana uu leeyahay 56 dhibcood waxa ku xiga xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo dhaliyay 20 gool sidaas darteed leh 40 dhibcood.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Napoli ee Osimhen kaas oo dhaliyay 19 gool sidaas darteed leh 38 dhibcood waxana la mid ah xiddiga Mbappe oo dhaliyay 19 gool lana dhibco ah Osimhen.
Halkan Hoose kaga bogo Liiska xiddigaha u tartamaya kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub.
Related
Xigasho: Kooxda