Waxa la galayaa kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League iyada oo lagu tartamayo gool dhalinta horyaalka xilli ciyaareedka.
Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wali hogaaminaya tartanka gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo uuna gool dhalin kulamadii ugu dambeeyay.
Xiddiga Liverpool ayaa dhaliyay 22 gool ilaa haatan waxana ku daba jira xiddiga kooxda Tottenham ee Son Heung-Min kaas oo isagu leh 21 gool.
Xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo ayaan laftiisa wacdaro yar dhigayn isaga oo dhaliyay 18 gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane oo dhaliyay 16 gool halka Xiddigaha kooxda Man City iyo Liverpool ee Diogo Jota, Kevin De Bruyne Iyo Sadio Mane ayaa dhankooda leh 15 gool.
# | Player | Team | Goolasha | ||
---|---|---|---|---|---|
1. | Mohamed Salah | Liverpool | 22 | ||
2. | Son Heung-Min | Tottenham | 21 | ||
3. | Cristiano Ronaldo | Manchester United | 18 | ||
4. | Harry Kane | Tottenham | 16 | ||
5. | Diogo Jota | Liverpool | 15 | ||
6. | Kevin De Bruyne | Manchester City | 15 | ||
7. | Sadio Mané | Liverpool | 15 | ||
8. | Jamie Vardy | Leicester | 14 | ||
9. | Raheem Sterling | Manchester City | 13 | ||
10 | Wilfried Zaha | Crystal Palace | 13 |
Xigasho: Kooxda