Thomas Tuchel ayaa ku waramaya in Mateo Kovacic iyo N’Golo Kante ay ciyaari karaan finalka FA Cupka ee berito
Labada ciyaaryahan ayaa ahaa labada ciyaaryahan ee khadka dhexe u doortay Tuchel finalkii ugu dambeeyay ee Wembley ee labada koox , ugu dambeyna ku dhamaday rigoore
Waxa la filayaa in ay ka qayb qaataan tababarkii ugu dambeeyay ee Chelsea ka hor kulanka finalka galinka dambe ee maanta,kadibna tababaraha Chelsea ayaa go’aan ka gaadhi doona shaxdiisa.
Kovacic ayaa dhaawac ka soo gaaray nus saac markii ay socotay ciyaartii Leeds United,kadib markii uu ka horyimid Dan James – qalad uu garsoore Anthony Taylor u arkay inuu mudan yahay kaarka cas.
Tuchel ayaa ka hadlay shirkiisa jaraa’id wuxuuna bixiyay war cusub oo ku saabsan fursadaha uu xiddiga khadka dhexe ku soo kabsan karo wakhtiga kulanka weyn.
Macalinkaan ayaa hataan sugaya go`aanka kama dambeysta ee taqatiirta kooxda balse waxa uu ku adkeysanayaa in la joogo waqtigii is biimeynta
Xigasho: Kooxda