Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay bixitaanka xiddiga daafaca uga ciyaara ee Andreas Christensen kaas oo qaab xor ah uga tagi doona kooxda.
Heshiiska xiddiga Andreas Christensen ee chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Blues.
Xiddiga reer Denmarka ayaa la sheegayaa in uu heshiis la gaadhay kooxda Barcelona oo uu qaab xor ah ugu biiri doono kooxda uu hogaamiyo Tababare Xavi.
“Waan Lumin doonaa”ayuu Thomas Tuchel ka yidhi mustaqbalka Andreas Christensen kadib markii wax laga waydiiyay.
Dhanka kale saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay Barcelona todobaadyo ka hor dhamaystirtay saxiixa daafaca dhexe.
Andreas Christensen Ayaa noqon doona xiddig kooxda Barcelona ah xilli ciyaareedka dambe sida uu xaqiijiyay saxafiga lagu kalsoonyahay ee Fabrizio Romano.
Xigasho: Kooxda