Weeraryahanka kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa ka hadlay in uu ku dhawaaday ku biirista Liverpool ka hor inta uuna u saxiixin kooxda ka dhisan galbeedka London.
Xiddiga reer Germany ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Liverpool markii uu joogay RB Leipzig waxana uu ku dhawaaday ku biirista Liverpool.
Laakiin waxa uu iska diiday Reds isaga oo ka doortay chelsea oo uu ugu biiray lacag dhan 50 milyan oo euro.
Werner oo ka hadlaya qaabkii uu ugu dhawaaday Liverpool ayaa yidhi”Markii aan joogay Leipzig, waxa aan fursad u helay in aan ku biiro Liverpool laakiin ugu dambayn waxa aan go’aansaday in aan ku biiro chelsea”.
Werner ayaa ku guulaystay champions League, UEFA Super League iyo Club World cup laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu qaab ciyaareedka isaga oo la kulmay dhaleecayn xoogan.
Xigasho: Kooxda