Weeraryahanka kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa amaanay saaxiibkiisii hore ee RB Leipzig haatana daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Ibrahima Konate.
Waxa uu xiddiga reer France ku amaanay sida uu u degen yahay waxana uu sheegay in uu ka niyad jabay in ayna chelsea u dhaqaaqin saxiixiisa.
Labada xiddig ayaa isaga hor iman doona Final-ka FA Cup-ka maanta ka dhici doona garoonka Wembley iyaga oo doonaya in ay ku guulaysiga kooka.
““Aad ayaan u jecelahay isaga, aad ayuu u degan yahay, seddex sano ayaan la ciyaaray isaga, waana daafac cajiib ah, nasiib darro ayay aheyd in Chelsea aysan u dhaqaaqin saxiixiisa”ayuu Werner yidhi.
“laakiin waxaan filayaa inay Liverpool heshiis aad u wanaagsan la gashay isaga”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Xigasho: Kooxda