Halyeeyga Manchester United Gary Neville ayaa saadaaliyay in Tottenham Hotspur ay garaaci doonto Arsenal kulanka derby Waqooyiga London ee caawa.
Tottenham ayaa marti galin doonta Arsenal kulan ka tirsan premier League iyada oo labada kooxoodba baacsnayaan kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League.
Gunners ayaa haatan 4 dhibcood ka horaysa kooxda Antonio Conte ee Tottenham iyada oo labada kooxoodba isha ku hayaan u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.
Neville ayaana aaminsan in ay kooxda Tottenham garaaci doonto Arsenal marka ay isaga hor iman doonaan kulan xiiso leh oo ka dhici doona garoonka Tottenham Hotspur Stadium.
“Waxa aan saadaalinayaa in ay Tottenham garaaci doonto Arsenal, sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkii ay ku soo bandhigeen Anfield kulankii Liverpool”.
Xigasho: Kooxda