Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in Mateo Kovacic, Kai Havertz iyo Timo Werner ay dhamaantood seegi doonaan kulanka Khamiista ee Premier League ee Leicester City.
Xilli ay chelsea haatanba xaqiiqsatay booskeeda champions league xilli ciyaareedka dambe Tuchel ayaa qirtay in uu doonayo in ay kooxdiisu xaqiiqsato kaalinta 3-aad.
Si kasta ha ahaatee Tuchel ayaa sheegay in uuna xiddigaha Havertz iyo Werner seegid oonaan kulanka sidoo kale xiddiga Kovacic seegi doono kulanka.
Isagoo la hadlayay saxafiyiinta ayuu Tuchel yiri: “Kai Havertz waxa uu isku dayi doonaa tababarka, shalay ayuu sameeyay tababar shaqsi ah, mana uusan ku jirin tababarka kooxda sidaas darteed calaamad su’aal weyn ayaa saaran”.
“Timo Werner waxa uu ku seegi doonaa dhaawac muruqa ah sidoo kale Mateo Kovacic waxa uu ku seegi doonaa barar ka soo gaadhay Kuraanta mana tababaran sahlay sidaas darteed ma hubo in uu ciyaari doono”
Xigasho: Kooxda