Goolhayaha kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa sheegay in uu ogaa in xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus uu ku biiri doono Gunners.
Weeraryahanka reer Brazil ayaa ku biiray kooxda ka dhisan London xagaagii sagoo kaga soo biiray Manchester City una saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2027 ah.
25-sano jirkaan ayaa dhaliyay 5 gool, waxaana uu caawiye ka noqday 7 kale 20 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
“Waan ogaa in Jesus uu ku biiri doono Arsenal 85 ama 90 boqolkiiba,” Ramsdale ayaa u sheegay Daily Mail.
Waxa uu intaa ku daray, “Dhanka kale, Heshiiska Oleksandr Zinchenko wuxuu ahaa mid la yaab leh, waxa aan ka ogaaday in uu ku biirayo Arsenal Twitter-ka”.
“”Heshiiska Zinchenko waxaa lagu dhamaystiray 4 maalin kadib waxa uu ku soo biiray kooxda”.
Daafaca bidix ee reer Ukraine ayaa xagaagii ku biiray Arsenal kadib markii uu 35 milyan kaga biiray kooxda Man City.
Xigasho: Kooxda