Wakiilka Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka jawaabay wararka sheegaya in uu xiddigu doonayo in uu isaga tago Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Saacadihii ugu dambeeyay waxa soo baxay warar sheegaya in uu Salah doonayo in uu isaga tago kooxda Liverpool marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay Foot Mercato, Mohamed Salah ayaa ku fikiraya inuu ka tago Liverpool, waxaana uu doorbidayaa inuu u dhaqaaqo koox ka ciyaarta horyaalka La Liga haddii uu ka tago kooxda Merseyside.
Laakiin wakiilka xiddiga Abbas Issa ayaa ka jawaabay wararkaas isaga oo beeniyay isla markaas ku tilmaamay mid aanu xitaa Salah ka fikirin in uu ka tago kooxda.
Waxa uu soo qoray: “Xaggee ka keentay warkan, xitaa hadii aanan aniga iyo Salah ka wadahadalin arintaas, fadlan noo sheeg”.
Salah ayaa dhaliyay 22 gool waxana uu caawiye ka noqday 11 kale 39 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Related
Xigasho: Kooxda