Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada xiddiga William Saliba ka hor kulanka Crystal Palace ee horyaalka premier League.
Xiddiga William Saliba ayaa seegi doona kulanka Crystal palace ee horyaalka premier League xilli Gunners doonayso in ay 8 dhibcood ku qabato hogaanka horyaalka.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa ku dhaawacmay kulankii Sportin Lisbon ee Europa League waxana lagu badalay xiddiga Rob Hodling.
Haatan wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France garoomada ka maqnaan doono muddo dheer kadib dhaawacii soo gaadhay.
Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in uu xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara garoomada ka maqnaan doono dhawr todobaad isla markaas laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa.
Saliba ayaa lagu waday in uu aado waajibaadka xulka qarankiisa France si uu uga qayb galo kulamada Netherlands iyo Ireland.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu haatan garoomada ka maqnaan doonaa muddo taas oo dhirbaaxo ku ah rajada Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka.
Related
Xigasho: Kooxda