Barcelona ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah liiska kooxda uu u xushay tababare Xavi Hernandez ka qayb qaataan kulanka El Clasico ee ay la ciyaari doonaan Real Madrid horyaalk La Liga.
Barcelona ayaa kulankan rajo ka qabta in ay guul gaarto si la mid ah labadii kulan ee ugu dambeeyay ee El-Clasico, waxayna tani fursad siin doontaa in ay si kali ah hogaanka horyaalka La Liga ku hogaaminayso 12 dhibcood, waxayna gabi ahaanba meesha ka saari doontaa rajada Real Madrid ee ku guulaysiga horyaalka.
Liiska Barça ayaa waxa ka maqan xiddigaha Osman Dembele iyo Pedri kuwaas oo dhaawacyo uga maqnaa kulamada kooxda Barcelona.
Xiddiga Ronald Araujo ayaa ku soo laabtay liiska Barcelona kadib markii uu ganaax ku seegay kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.
Halkan Hoose kaga bogo liiska xiddigaha uu Xavi soo saaray:
Goolhaye : Marc-Andre ter Stegen, Inaki Pena, Arnau Tenas.
Daafaca: Ronald Araujo, Jordi Alba, Eric Garcia, Sergi Roberto, Jules Kounde, Alex Balde, Marcos Alonso, Andreas Christensen
Khadka dhexe: Sergio Busquets, Frenkie de Jong, Gavi, Franck Kessie, Pablo Torre
Weerarka: Robert Lewandowski, Ferran Torres, Ansu Fati, Raphinha, Angel Alarcon.
Related
Xigasho: Kooxda