Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Caalamka

Maraykanka oo dacwad ku soo oogay Senator hore oo u dhashay dalka Haiti

May 12, 2022
gudaha Wararka Caalamka
58 4
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Masuuliyiinta dalka Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogay Senator hore oo u dhashay dalka Haiti kaas oo loo haysto inuu ku lug lahaa shirqoolkii lagu dilay madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise, oo la dilay bishii July ee sannadkii hore ee 2021.

Waa qofkii saddexaad ee ay Waaxda Cadaaladda ee Maraykanku ay dacwad ku soo oogtay, iyada oo weli la wado baadhitaanka dilkii madaxweynihii hore ee Haiti.

Maalmo ka dib dilkii madaxweyne Moise, waxaa booliska dalka Haiti ay sheegeen in John Joel Joseph uu ka mid yahay dadka loo tuhmayo dilka madaxweynaha, hase ahaatee wuxuu dalkaas kaga baxsaday doon, waxaase ugu dambayn gacanta ku dhigay laamaha ammaanka ee dalka Jamaica, iyaga oo ku eedeeyey inuu si sharci darro ah dalkooda ku soo galay, waxayna u gacan geliyeen masuuliyiinta dalka Maraykanka.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay waaxda caddaaladda ee Maraykanka, Joseph ayaa waajahaya eedeymo ah inuu maleegay dil ama afduub laga geysto meel ka baxsan Mareykanka iyo in taageero uu bixiyey ay sababtay dhimasho.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in shirqoolka uu qaybta ka ahaa, markii hore la qorsheeyey in lagu afduubo madaxweynihii Haiti, hase ahaatee uu shirqoolkaasi isu bedelay in la dilo madaxweynaha, ka dib markii ay kooxda weerarka geysatay ay awoodi waayeen inay helaan diyaarad ay ku qaataan madaxweynaha si ay dalka uga saaraan.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa bishii January ee sannadkan, waxay eedeymo kuwan la mid ah ku soo oogeen Rodolphe Jaar, oo ah muwaadin haysta dhalashooyinka dalalka Haiti iyo Chile, iyo weliba Mario Palacios, oo ah askari hore oo u dhashay dalka Colombia, kaasoo booliiska Haiti ay ku sheegeen in uu ka mid ahaa koox shan nin ah oo galay qolka jiifka ee madaxweyne Moise si ay u toogtaan.

Afar garsoore oo ku sugan dalka Haiti oo gacanta ku hayey kiiska dilkii madaxweynihii hore ee Haiti ayaa shaqada ka tegey, iyaga oo sheegay inay heleen hanjabaado dil ah, taas oo halis ku ah ammaankooda.



Xigasho: Horseed Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Caalamka

Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareysay weerarradii lagu qaadday magaalada Buulo Mareer

May 27, 2023
Wararka Caalamka

Musharraxii kaalinta 3aad ka galay doorashada Turkiga oo u tanaasuley Erdogan

May 22, 2023
Wararka Caalamka

Madaxweynaha Ukraine oo dhiggiisa Mareykanka Joe Biden kula kulmaya Japan

May 20, 2023
Wararka Caalamka

Hogaamiyaha Milatariga Sudaan oo xilkii ka qaaday taliyaha ciidamada booliska ee dalkaas

May 16, 2023
Wararka Caalamka

Kenya oo dib u fureysa xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya

May 15, 2023
Wararka Caalamka

Doorashada Turkiga oo u muuqata in wareeg labaad la isla aadi doono

May 15, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Al Shabaab oo nolosha ku qabatay askar katirsan ciidamada ATMIS (Sawirro)

    76 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • QM oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday xerada ATMIS ee Buulo-Mareer – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somali Security forces conduct airstrike, killing 30 Al-Shabaab militants

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Halkee ayay ku dambeeyeen Odayaashii Reer Koonfureedka ahaa ee Hargeysa u tagay Xalinta Dagaalka Laascaano?. – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Shacabka Muqdisho oo boggaadiyay Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Aqriso heshiiska hanaanka doorashoyinka dalka oo faah-faahsan – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023

Warsaxaafadeedjka Madasha Wadatashiga Qaranka | allsanaag

May 27, 2023

‘Qatar can play significant role in our pursuit of peace and stability’: Somali Deputy PM

May 27, 2023

Al-Shabaab attacks African peacekeepers in Somalia, big death toll feared

May 27, 2023

Bayern Munich oo daqiiqaddii ugu dambeysay ku guuleysatay horyaalka Jarmalka

May 27, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

No Washburn students arrested after violence at school event, principal says

May 27, 2023

Jubbaland oo bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare

May 27, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Lionel Messi Oo Jabiyay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Kaga Horeeyay.

May 27, 2023

Doorashada berri ee Turkiga iyo sababaha uu ku adkaan karo ERDOGAN – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 27, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.